Amar ka soo baxay dowlada Soomaaliya oo Maanta dhaqan Galaya

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhaawaqday in maanta la xirayo dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta islaamka ee ka furan guud ahaan wadanka, si looga hortago faafida xanuunka Covid-19.
Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo.
Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamad Xasan ayaa sheegay in tallaabada lagu xirayo dugsiyada quraanka ay dhaqangalayso maanta oo Talaado ah si loo badbaadiyo nolosha iyo Caafimaadka caruurta Soomaaliyeed maadaama ay u nugul yihiin Caabuqa aduunkoo dhan Saamaynta ba’an ku yeeshay.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ka hor inta aysan qaadan go’aanka lagu xirayo dugsiyada ay wada-tashi la sameeyeen dhinacyada ay arimahaani quseeyaan.
Wararka saaka la helayo ayaa waxaay sheegayaan in dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ee ku yaala Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya iyo gobolada dalka qaarkood ay saaka fasaxeen Macalimiinta Ardeyda,iyagoo fulinaya Amarka Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya uu shalay ku dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here