Amar ka soo baxay dowladda dhexe oo ka dhaqangalay qaar ka mid ismaamullada xeebta

Waxaa xalay fiidkii saddex ka mid ah ismaamullada gobolka xeebta ee dalka si rasmi ah uga dhaqan galay amar uu isniintii ku dhawaaqay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Go’aankaas uu hoggaamiyaha dalka shaaciyay ayaa ahaa inaan muddo 21 cisho ah loo safri Karin sido kalena laga soo bixi Karin dowlad deegaannada Nairobi, Kwale , Kilifi iyo Mombasa .
Tani ayaa timid kaddib markii ismaamulladan laga soo tabiyay kiisaska ugu badan ee cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus oo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 179 kiis oo la xiriira.
Amarkan saameynaya shacabka ku nool Nairobi ayaa dhaqangalay isla isniintii la soo dhaafay.
Gobolka xeebta waxaa laga sameeyay bar kontorolo dhowr ah oo lagu xaqiijinaya in dadweynaha Mombasa, Kilifi iyo Kwale aynan meel kale u safrin iyagana aan loo gudbin.
Saraakiisha ammaanka ayaa si buuxda ugu tallaabada qaaday go’aankii Dowladda dhexe.
Waxay tani qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda dhexe iyo ismaamullada kala duwna ugu jiraan xakameeynta faafitaanka cudurka Covid-19 .
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta Mr. John Elungata ayaa digniin adag u diray cid kasta oo iskudayda inay dafirto amarka Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here