Amar la siiyay shaqaalaha Dowladda Itoobiya oo maanta dhaqangalaya

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa inuu dalka Itoobiya ka dhaqangalo amar shaqaalaha Dowladda dhexe la siiyay oo ah inay guriyahooda ka soo shaqeeyaan.
Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalkaas Dr. Abiy Axmad ayaa lagu xusay in howlwadeennada looga baahan yahay inay amarkan si buuxda ugu hoggaansamaan.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo isku imaatinka dadweynaha si cudurka Covid-19 oo kiisas dhan 12 oo laga xaqiijiyay Itoobiya uunan u sii fidin.
Amarkan cusub ayaa waxaa shaaca laga qaaday galinkii dambe ee shalay kaddib markii golaha wasiirrada ay kulan degdeg ah yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here