Amar la xiriira xakameynta COVID-19 oo lagu wado inuu berri ismaamullada ka dhaqangalo

Waxaa la filayaa in berri oo isniin ah dhammaan ismaamullada wadanka laga dhaqangeliyo amar ay Jimcihii ku heshiiyeen xubnaha golaha CoG.
Amarkan ayaa ah in aan xafiisyada ismaamullada looga adeegi doonin qof aan sidan afxirka.
Sidoo kale waxaa la billaabayaa wacyigelin ballaaran oo ku aaddan cudurka COVID-19 si shacabka deegaanada loo fahansiiyo halistiisa.
Talaadada waxaa dowladaha ismaamullada oo kaashanaya guddoomiyaasha dowladda dhexe halkaas ku matalo ay daahfuri doonaan barnaamij si wadajir ah loogu dhaqangelinaya amarrada wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee CoG ahna barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii dowladda dhexe ay garab ugu siin lahayeen la tacaalidda fayraska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here