Amar lagu soo rogay xaafadda islii oo dhaqan galay

Waxaa laga billaabo 7-dii fiidnimo ee xalay si rasmi ah xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji ee magaaladatani Nairobi uga dhaqan galay amar shalay ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaciyay in muddo 15 cisho ah aan la soo geli karin sido kalena laga bixi karin Islii iyo xaafadda Old Town ee ka tirsan Mombasa.
Go’aanka dowladda ayaa yimid kaddib markii labadan meelood laga soo tabiyay kiisas badan oo la xiriira caabuqa coronavirus.
Xaafadda islii ayaa halbowlo u ahayd ganacsiga caasimadda dalka ee Nairobi.
Sido kale waxaa u soo shaqa tagi jiray dad badan oo danyar ah kuwaaso ku nool xaafadaha kale ee Nairobi.
Amarkan ayaa laga cabsi qabo inuu saameyn weyn ku yeesho ganacsiga iyo nolosha shacabka xaafadda.
Saraakiisha ammaanika ayaa barkontoroolo dhowr ah dhigay meelo kala duwan waxayna istaajinayaan baabuurta xaafadda soo galaysa .
Sido kale waxaa saaka xiran goobaha ganacsiga ee xaafadda hasa ahaate wasaaradda caafimaadka ayaa shalay caddeysay in isku socodka gudaha ee islii iyo Old Town la ogol yahay.
Dhanka kale xildhibaanka deegaanka Kamukunji oo ay islii hoos tagto Yuusuf Xassan Cabdi ayaa ka soo hor jeestay go’aanka dowladda oo uu ku tilmaamay mid lagu degdegay.
Gudaha dalka waxaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay kiisaska Coronavirus oo dhan 582 .
Mudanaha ayaa su’aal geliyay sababta loo xayiray islii oo laga diiwaangeliyay 68 keliya oo ka mid ah kiisaskan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa galinkii dambe ee shalay sheegay in dadka fuliya adeegyada muhiimka ah ay howlahooda sii wadanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here