Amar senetarka Busia looga mamnuucay Maraykanka oo siyaabo kala duwan looga hadlay

Shacabka iyo mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Busia ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amar ka soo baxay dowladda Maraykanka oo ay dalkeeda uga mamnuucay inay u safraan senetarka ismaamulkaasi horayna u soo noqday xeer ilaaliyaha dalka Amos Wako, xaaskiisa Flora Ngaira iyo wiil ay dhaleen oo lagu magacaabo Julius.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shakhsiyaadkan aynan halkaasi u safri karin .
Amos Wako ayaa lala xariiryay fal musuqmaasuqa oo lagu tilmaamay mid aan la fududeysan karin.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in iyadoo la hayo macluumaadka la isku haleyn karo oo ku saabsna in saraakiil ka tirsan maamulka dowlad kale ay musuqmaasuqa ku lug lahadeen , dadkaasi iyo xubnaha qoysaskooda ee ugu soo dhow inay mamnuuc ka tahay inay Maraykanka galaan.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Busia ee uu Amos Wako senetar ka yahay ayaa arrintan ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here