Amaro laga soo saaray Maxkmada ciidamada ee gobolka Hiiran.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay inaan marnaba loo dul qaadan doonin dhibateynta dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolkaas.
Waxaa uu sheegay in cabasho badan ay uga timid dadka Shacabka ah ee deegaanka,kuwaasoo uu Xusay inay dhibaatooyin u geystaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,xilliyada qaar ee ay safarada ku jiraan.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qaybta 27-aad waxaa uu digniin culus u direy Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla qeybo kamid ah gobolka Hiiraan,waxaana uu sheegay in saraakiisha iyo Ciidamada ay sharciga u siman yihiin,isla markaana cidii Shacabka dhibaateysa tallaabo laga qaadi doono.
Waxa uu hoosta ka rariiqay inaan cidna laga ogolaanayn inay shacabka iyo sharciga midna ku xadgudubto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here