Amarro ku aaddan barakicin oo la hakiyay

Golaha qaran ee qaabilsan maamulka dhanka caddaaladda ee (NCAJ) ayaa sheegay inuu hakiyay fulinta amarro la xiriiray dad goobo ay degganyihiin laga raraya iyo digreeta kasta oo la soo saaray wixii ka horreeyay 16-kii bishii saddexaad ee sannadkan.
Amarkan cusub ayaa jiraya ilaa maalinka Arbacada ee toddobaadka dambe.
Waxaa looga gol leeyahay in fursad dheeraad ah la siiyo dadka go’aamadan ay saameynayaan ee cabashada muujinaya si ay isaga soo xaadiriyaan maxkamadda.
Madaxa caddaaladda ee dalka Mr. David Maraga ayaa sido kale sheegay in la isugu yeeri doono saraakiisha waaxda diiwaangelinta ee garsoorka.
Hasa ahaate waxaa laga doonaya inay u hoggaansamaan xeerar la dejiyay oo ay ka mid tahay inaynan aad isugu dhawaan marka ay xafiiska fadhiyaan.
Sido kale golahan ayaa amray in sida waafaqsan dastuurka dalka eedeysanayaasha loo haysto dembiyada kala duwan maxkamadda la soo taago muddo 24 saacadood gudahood ah kaddib marka la qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here