Amarro lagu soo rogay amaanka Magaalada Jowhar

Maamulka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxay soo saareen ammaro la xiriira Amniga Magaaladaas,oo ku socda Guud ahaan Shacbaka ku nool Magaalada Jowhar.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha maamulka Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa lagu amray Dhamaaan milkiilayaasha Guryaha magalada jowhar inay iska soo diiwaan geliyaaan Xafiisyada Afarta Waaxood Dadka guryahooda kirida ugu jiraan ama laga kireyn Rabo.
Sidoo kale Milkiilayaasha Hoteelada waxaa la faray inay la soo xariiraan hey’adaha Amniga ee ka howlgalla Magaalada oo ay soo gudbiyaan warbixinta cid kasta oo hotalada soo degta Jowhar si loola socdo dhaq dhaqaaqooda.
Ugu dambeyn Qoraalka Gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa lagu sheegay in cid kasta oo aan wadan warqadda laamaha Amniga aan guryo iyo Hoteelada midna laga kireyn karin.
Amarkaan Amniga la xiriira ee kasoo baxay Maamulka Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu daba socdaa, kadib markii falal amni darro ay ka dhaceen Magaaladaas, isla markaana muddo bil Gudaheed ah lagu dilay laba kamid ahaa Golaha Wasiirada ee Maamulka Hir-Shabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here