Amarro lagula tacaalayo dibadbaxyada oo Hong Kong ka dhaqangalaya

Hoggaamiyaha Hong Kong ,Carrie Lam ayaa maanta oo jimco ah soo saartay shuruuc si degdeg ah lagula tacaalayo mudaharaadyada .
Amarradan ayaa markii ugu horreysay in ka badan 50 sano halkaasi looga dhaqmaya.
Mrs. Lam ayaa shir jaraaid oo ay qabatay ka sheegtay in laga billaabo berri oo sabti ah aan dibadbaxayaasha loo oggolaan doonin inay wajiyada soo xirtaan.
Bannaanbaxyada ay dhacabka ku dalbanayaan madax bannaani buuxda ayaa soo socday tan iyo bartamihii bishii lixaad ee sannadkan.
Booliska ayaa sido kale lagu wargeliyay in awoodda ay adeegsanayaan ay noqoto mid la qiimeeyay.
Dhanka kale dowladda Shiinaha ayaa beenisay inay faragelin ku hayso arrimaha Hong Kong waxayna dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ay ku eedeysay inay kicinayaan xasarad ka dhan ah xukuumadda Beijing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here