Amarro uu soo saaray hoggaamiyaha dalka oo dhaqan galay

Waxaa xalay si rasmi ah u dhaqan galay amarro uu shalay soo saaray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Mr. Kenyatta ayaa muddo 21 maalmood ah ku kordhiyay bandowga habeenkii ee dalka ka jiray tan iyo 27-kii bishii saddexaad ee sannadkan.
Sido kale hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in amarkii lagu mamnuucay in la soo galo ama laga baxo ismaamullada Nairobi, Mandera, Mombasa, Kwale iyo Kilifi uu sii jiraya ilaa 6-da bisha June ee sannadkan.
Kenya ayaa sido kale xirtay xuduuda ay la wadaagto wadamada dariska la ah ee Tanzania iyo Soomaaliya waxaana in ay soo gudbaan loo ogolyahay baabuurta xamuulka kaddib marka wadayaasha gawaaridaas kaxeynaya laga baaro cudurka covid-19.
Galinkii dambe ee shalay ayay dowladda shaacisay in la xaqiijiyay 49 kiis oo dheeraad oo ah kuwa caabuqa coronavirus.
Tani ayaa tirada guud ee ilaa iyo hadda wadanka laga diiwaangeliyay ka dhigtay 830 .
Waxaa cudurka u dhimatay 5 qof oo dheeraad ah ilaa iyo hadda gudaha wadanka waxaa uu covid-19 noloshooda ku galaaftay 50 qof waxaana kaga bogsaday 301.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here