Amazon oo 100,000 qof shaqaalaysiinaysa

Shirkadda online-ka ee suuqa kala iibsiga badeecooyinka ee Amazon ayaa maanta sheegtay inay howlgelinayso 100,000 oo shaqaale dheeraad ah.
Waa markii afaraad oo shaqaalaysiin noocan ah sannadkan gudihiisa ay shirkaddu ka sameynaysa Maraykanka.
Howlwadeenada dheeraadka ee la qoraya ayaa timid kaddib markii ay korortay baahida loo qabo ganacsiga online-ka tan iyo markii uu dillaacay cudurka COVID19 ee la xayiray isku socodka.
Horraantii bishan ayay Amazon shaacisay inay banaan yihiin fursado shaqo oo dhan 33,000 oo dadka la doonayo inay buuxiyaan ay ka mid yihiin aqoonyahanada tiknolojiyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here