Amiirka Kuwait oo bayaan ka soo saaray khilaafka wadamada Khaliijka

Amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabax Al Axmad Al Jaber Al Sabax ayaa maanta oo talaado ah bayaan ka soo saaray khilaafka in muddo ah ka dhexeyay qaar ka mid ah dalalka carbeed.
Waxaa uu in muddo ah ku howlanaa inuu kala dhexdhexaadiyo dowladda Qatar iyo wadamada Sacuudiga, isku tagga imaraadka Carabta , Masar iyo Baxreyn oo uu muran kalla dhexeyo.
Muranka ayaa soo jiray muddo 30 bilood ah waxaa uuna yimid kaddib markii dalalkan ay xariirkii dibloomaasiyeed u jareen Qatar oo ay ku eedeyeen inay argagixisada taageerto taaso ay iska fogeysay.
Amiirka Kuwait ayaa sheegay in isfahan waaga jira aanan la oggolaan karin oo ay khasab tahay in la xalliyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in khilaafkan uu wiiqay midnimada 6-da dal ee xubnaha ka ah golaha iskaashiga gacanka carbeed ee (GCC) oo Qatar ay ka mid tahay.
Sacuudiga, Masar, isku tagga imaaraadka iyo Baxreyn ayaa kaddib markii Qatar ay cilaaqaadka u jareen sido kale ku soo rogay cunaqabayen dhanka hawada, badda iyo dhulka ah taasi oo ay ka dhalatay saameyn dhaqaale iyo mid bulsho labaduba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here