AMISOM oo beenisay inay ka baxeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa Beeniyay in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Jabuuti ay ka Baxeen degmada Jalalaqsi ee goobolka Hiiraan.
Maalinimadii Shalay ahayd ayaa waxaa Soo baxayay warar sheegaya in degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay gabi ahaanba baneeyeen Ciidamadii ka socday wadanka Jabuuti ee qaybta ka ahaa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayuu Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaybta 27 oo la hadlay warbaahinta gudaha Soomaaliya Wuxuu sheegay inay wararkaasi been abuur yihiin.
Sarkaalkaan ayaa sheegay inay wararkaasi yihiin waxbo kama jiraan iyo kuwo loogu Tala Galay in shacabka ku nool Magaalada Jalalaqsi lagu Galiyo Khalkhal dhanka amaanka ah.
Abaanduulaha ayaa Xusay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Jalalaqsi ay halkaas ku Joogaan Mandate hadii ay ka baxayaan degmadaas iyo guud ahaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraana ay ku baxayaan qaab sharci ah oo la isla og yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here