AMISOM oo qiratay inay dad shacab ah Soomaaliya ku dileen

Ciidamada Hawl-galka Midowga Africa ee Dalka Soomaaliya Sugan ayaa qirtay inay 3 ruux oo rayida dileen halka 2 kalena ay dhaawaceen kadiba weerar gaadmo oo Al-Shabaab ku soo qaadeen ciidankooda oo Gudbayay marin muhiim ah oo dhaca woqooyi bari magaalada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Sida ay AMISOM ku sheegtay bayaan ay soo saareen, weerarkaan ayaa dhacay bishaan June 8, waxaana ku dhintay 3 haween ah halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, waxayna AMISOM xustay inay aad uga xuntahay arrintaaasi nasiib darada ah ee ay Waxyeeladu ka soo gaartay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Warka ka soo baxay howgalka AMISOM ayaa lagu yiri Dhacdadii maalintii Isniinta 8-da bishan waxaay ahayd nasiib daro, waan uga tacsiyeynaynaa ehelada marxuumiintaasi, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaan u rajeynaynaa”, Madaxa AMISOM, Francisco Modera ayaa sidaa yiri.
Ciidamada AMISOM eek a howlgala dalka Soomaaliya ayaa horay waxaa ay dilal kala duwan ka geysteen deegaano iyo degmooyinka ay ka howlgallaan xilliyada ay weerarada tooska ah iyo qaraxyada kala kulmaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here