AMISOM oo sheegtay inay howlgal ku dileen xubno shabaab ah

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay ka hortageen weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin magaalada Qooqani ee gobolka Jubbada Hoose.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxa lagu sheegay in Al-Shabaab Saddex jiho kasoo weerareen Saldhiga magaalada Qooqani,hayeeshee AMISOM ay qaaday tallaabo ay uga hortageysay weerarkaas.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen laba kamid ah Ciidamada jubbaland haatana lagu daaweeynayo Saldhiga Howlgalka AMISOM ee deegaanka la weeraray,sidoo kalena weerarkaas lagu dilay Saddex Xubnood oo ka tirsanaa dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya Danjire Francisco Medara ayaa ku amaanay Ciidamada AMISOM sida ay uga jawaabeen weerarka Al-Shabaab ee deegaanka Qooqaani.
Dhanka kale Dagaaalka oayaa xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Koontoroolka Mukayga ee degmada afgooye, waxaana la sheegay in dagaal socday in ku dhow saacad uu halkaasi ka dhacay.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbahainta gudaha u sheegay inuu dagaalkaas jiro hayeeshee aysan si rasmi ah u cadeyn karin khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda & Shabaab ay ka kala sheegtay Guulo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here