AMISOM oo sheegtay inay kordhinayaan howlgalada Shabaab ka dhanka ah

Abaanduulaha dhawaan loo Magacaabay Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Gudaha dalka Soomaaliya Gen Diomede Ndegeya ayaa markii ugu horeeysay booqasho ku tegay Taliska qeybta 1aad oo ay ku sugan yihiin Ciidamada ka socda dalka Uganda oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Abaanduulaha ayaa wuxuu la kulmay taliye kuxigeenka qaybta 1-aad oo sidoo kale ah ku xigeenka taliyaha Uganda, Col John Winston Mugarura., isagoo u sheegay in booqashadaan ay tahay kormeer barasho ah oo uu ku tagayo dhamaan Xerooyinka Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gobolada dalka Soomaaliya.
Gen Diomede Ndegeya wuxuu ku amaanay Ciidamada ka socda dalka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed tallaabooyinkii ay Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose deegaandaas oo ka mid ahaa meelihii shabaabku ku lahaayeen fariisimaha waa weyn ee ay mudada dheer ku sugnaayeen.
Ciidamada wadanka Uganda ayaa waxaaay kamid yihiin Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM kana howlgalla gudaha dalka Soomaaliya,waxayna ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo fuliyay howlgallo lagula wareegay degaano dhowr ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here