AMISOM oo xidhay Xerada Xalane

Saraakiisha AMISOM ayaa ku dhawaaqay in Maanta laga bilaabo ay xireen Xaruntooda ugu weyneyd ee Xalane oo ku taalay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
War qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in muddo 30 Cisho ah la hakiyey howlihii ka socdey xaruntaasi sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo dhawaan laga helay qof ku sugnaa gudaha Xerada Xalane oo u shaqaynayay QM.
Warka ka soo baxey Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in amarkaan oo socon doona muddo 30 Cisho ah lagu joojiyey dhamaan dhaq dhaqaaqyada iyo howlihii halkaasi ka socda,waxaana uu saameyn ku yeelan doonaa Shaqada Safaaradaha Shisheeye iyo Hay’adaha UN-ka ee ku yaalla Gudaha xerada Xalane.
Sidoo kale Amarkaan ayaa waxaa lagu wargeliyey dhamaan Shaqalaha ka howlgalayay Xerada Xalane,kuwa Ajaanibta ah ee degan iyo Safaaradaha ku yaalla halkaas,si loo yareeyo faafiada Cudurka COVID 19 oo qof qaba gudaha Xaruntaas laga helay.
Tallaabada ay AMISOM ku joojisey howlihi ka socdey Xerada ugu shisheeyaha Soomaaliya ku sugan ee Xalane ayaa kusoo aadeya xilli Jimcihii la soo dhaafay Gudaha xeradaas laga helay qof Ajnabi ah oo qaba Cudurka Coronavirus,kaasoo kamid ahaa Qandaraaslayaasha la Shaqeeya Qaramada Midoobey gaar ahaan Xafiiskooda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here