Ammaanka goobaha cibaadada oo si wayn loo adkeeyay

70
Jamiat Ul Ansar, 291 Great Lakes Blvd

Iyadoo lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo muslimiinta ay ku dadaalayaan cibaadada ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka masaajidda dalka.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in xilliyada habeenkii ee salaadda taraawiixda la tukanayo la sugi doono ammaanka goobaha kala duwan.
Waaxdan ayaa hoosta ka xariiqday in tallaabadan ay tahay mid looga gol leeyahay in dadka muslimiinta ah ee wadanka ku nool aynan wax culays ah dareemin sido kalena laga hor tago weerarada Al-shabaab.
Waxaa qoraalka qeyb ka ah in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha ugu muhiimsan ee magaalooyinka dalka iyo sido kale agagaarka xuduudda Kenya ay la wadaagto soomaaliya.
Saraakiisha booliska ayaa sare u sii qaadi doono howlgalada amniga lagu sugayo ee ay sameyaan.
Dhanka kale bulshada ayaa loogu baaqay inay laamaha ammaanka ku soo wargaliyaan fal waliba oo ay uga shakiyaan inuu khalkhal gelin karo xasiloonida guud iyagoo soo wacaya nambarada kala ah 999, 911 iyo 112.
Bishii lixaad ee sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii xarakada Al-shabaab ay weeraro ka gaysatay ismaamulada Lamu iyo Tana River halkaasi oo lagu dilay 150 shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here