Ammaanka ismaamulka Kisii oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga dowlad deegaanka Kisii gaar ahaan garoonka Gusii Stadium oo berri lagu qaban doono dabbaaldegga maalinka qaran ee halyeeyada.
Xuskan ayaa sannad kasta gudaha wadanka laga sameeyaa 20-ka bisha Oktoobar.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa qoraal uu dhaawaan soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ku sheegay in garoonka ay fariisan doonaan 3500 oo qof in kastoo uu qaadi karo ilaa 25,000.
Tirada ka qayb galayaasha xafladda ee la dhimay ayaa lagu saleeyay xaqiijinta in dadka aynan aad isugu dhawaan si looga hor tago faafidda cudurka COVID19.
Karanja Kibicho ayaa sidoo kale xusay in heemado lagu diyaariyay garoonka kale ee Kisii Golf Club oo ay ugu yaraan 8,000 oo qof munaasabadda kala socon karaan telefishinada dalka.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna iyo isku duwaha ammaanka ee gobolka Nyanza Mugo Mutindika ayaa warbaahinta u sheegay in hadda lagu howlan yahay diyaar garowgii ugu dambeeyay si dabbaaldegga berri uu si habsami leh u qabsoomo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here