Ammaanka Nairobi oo la adkeeyay kaddib digniin la soo saaray

Kenyan para-military units take their positions during the Africa Union Peace and Security Council Summit on Terrorism at the Kenyatta International Convention Centre in Nairobi, September 2, 2014. African leaders proposed on Tuesday creating a special fund to combat Islamist militant groups growing in strength from Kenya to Nigeria. African Union (AU) states announced the idea after Nairobi talks on a problem highlighted on Tuesday by capture of a town in north-eastern Nigeria by Boko Haram militants. Fighting killed scores of people, according to security forces, and sent at least 5,000 fleeing. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST SOCIETY) - RTR44NK6

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaala madaxda wadanka ee Nairobi kaddib markii safaaradda Maraykanka uu halkan ku leeyahay ay soo saartay digniin la xiriirta weerar argagixiso oo laga cabsi qabo.
Qoraal saacado ka hor la soo dhigay shabakadda rasmiga ee safaaradda ayaa lagu sheegay in la helay xog sirdoon oo tilmaamaysa in la weerari doono mid ka mid ah maqaayadaha waaweyn ee caanka ku ah qaabilaadda dalxiisayaasha.
Hasa ahaate hoteelka ayaan magaciisu iyo goobta uu ku yaalla la shaacin.
Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa shacabka ku wargeliyay in la adkeeyay ammaanka Nairobi in kastoo oo u dadweynaha kula taliyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Waxaa uu Kenyaanka ku booriyay inay si dhow ula shaqeeyaan saraakiisha ammaanka si uunan u jirin gaabad laga faaiidaysto.
Nairobi ayay xasilooni ka jirtay tan iyo 15-kii bishii koobaad ee sannadkii hore xilligaas oo Al-Shabaab ay weerartay dhismaha Dusit D2 hotel oo ayna dileen 21 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here