Ammaanka Narok oo la xoojiyay kaddib dagaalo soo cusboonaaday

Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la howlgeliyay kaddib markii dagaalo soo cusboonaaday lagu dilay labo qof.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Olpusimoru oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka waqooyiga Narok .
Sido kale waxaa isbitaalka weyn ee Narok lagu daaweynayaa 5 qof oo ay dhaawacyo ka soo gaareen toogasho loo gaystay.
Dagaalo beleedyada ayaa waxaa sido kale dab lagu qabad siiyay guriyo dhowr ah.
Waxaa dib loo dhigay kulan ku saabsan ammaanka oo lagu waday inuu guddoomiyo Samuel Kimiti oo dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Narok.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here