Amnest oo gabood fal ku eedaysay Ciidamada Africom

HAy’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda Mareykanka laba duqeyn oo ay gudaha Soomaaliya ka fuliyeen bishii Febaraayo dhawaac iyo dilba loogu gaystay dad shacab ah,halka ay iyagu sheegeen inay dileen kali ah xubno argagixisada ka tirsan.
Duqeemahaasi ayaa qayb ka ahaa kuwo isdaba joog ah oo uu Mareykanku kaga jawaab celinayey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada Mand Bay ka dhacay bishii Janaayo ee bilaawgii sanadkan,Weerarkaas oo la sheegay inay Mareykanka uga dhimatay seddax ruux.
”Wax qiil ah looma heli karo in lagu xad gudbo shuruucda dagaalka” sidaas waxaa yiri Cabdullahi Xasan oo ah cilmi baare ka tirsan hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.
“Jawaab celin walba oo ay sameynayaan ciidamada Mareykanka ama kuwa dowladda Soomaaliya waxaa qasab ah inay kala soocaan dagaalamyaasha iyo shacabka, iyagoo ka fogaanaya suurta galnimada waxyeello soo garta dadka shacabka ayuuna intaasi raaciyay.
War-saxaafadeed uu Talaadadii soo saaray madaxa ciidamada AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend, ayuu ku sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan wararka sheegaya in duqaymahooda ay ku dhintaan dad rayid ah, isagoona intaasi ku daray in xogaha ugu dambeeya oo ay soo helaan ay soo bandhigi doonaan dhamaadka bishan April.
Hey’adda Amnesty International ayaa warbixinteeda ku sheegtay intii ay ku guda-jirtay baaritaankaan inay wareysi layeelatay goobjoogeyaal ay qadka taleefanka kula xariirtay, iyo sawiro loo adeegsaday Satarleetka oo laga soo qaaday goobihii ay waxyeelladu ka dhacday.
Labada duqeyn ee Mareykanka lagu eedeynayo inuu dad shacab ah ku dilay, ee ay diiwaan gelisay hey’adda Amnesty, mid kamid ah waxay ka dhacday 2-dii Febraayo meel u dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe, halkaasoo la sheegay inay ku dhimatay gabadh naafo ah oo lagu magcaabi jiray Nuurto Kuusow Cumar Abuukar oo 18-sano jir aheyd, halka hooyadeed iyo aabaheedna ay ku dhaawacmeen duqeyntaas.
Duqeynta labaad ayaa 24-kii isla bishii Febraayo ka dhacday meel u dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana halkaas la sheegay in lagu dilay qof magaciisa lagu sheegay Maxamuud Salaad, xilli uu ku sugnaa beer uu ku lahaa duleedka degmada Jilib.
Marxuumkaas ayaa sidoo kale ahaa madaxii shirkadda Hormuud ee degmada Jilib, waxuuna Mareykanku labadaas duqeynba ku sheegay inuu ku dilay xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan waxba ugu geysan dad rayid ah.
Diyaaradaha ciidamada Mareykanka oo duqeymo ka fulinayey Soomaaliya in ka badan 10-sano ayaa sare u qaaday duqeymahaas, wixii ka danbeeyey markii uu talada dalkaas la wareegay Madaxweyne Donald Trump.
Sanadkii tegay ee 2019-kii duqeymaha uu Mareykanku ka fuliyey gudaha Soomaaliya, waxaa la sheegay inay gaarayaan 63 duqeyn, halka sanadkii kasii horeeyey ee 2018-kii uu Mareykanku Soomaaliya ka fuliyey 47 weerar oo dhanka cirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here