Amniga gobolka Banaadir oo laga shiray.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax) ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenada amniga degmooyinka Caasimada Soomaaliya Muqdisho.
U jeedka kulanka ayaa ahaa sidii ahmiyad gaar ah loo siin lahaa xoojinta nabada iyo isku xirka laamaha amniga iyo shacabka si looga gudbo caqabadaha jira ee dhanka Amniga.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada mssmulks gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax) wuxuu sheegay in amniga Gobolka Banaadir uu soo hagaagayo bilihii la soo dhaafay,isla markaana aysan ka dhicin falal amni darro oo la mid ah kuwii xiliyadii hore la soo tabin jiray wallow ay jiraan in degmooyinka qaarkood ay falal amni daro ah oo aan badnayn ay ka dhacaan.
Gudoomiye Tuulax ayaa kula dardaarmay guddoomiye kuxigeennada Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir ee uu la shirey inay dardar geliyaan howlaha Amniga ee ay u hayaan Bulshada ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here