Amniga guud ahaan dalka oo si weyn loo adkeeyay

Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa shacabka u xaqiijiyay in amniga deegaanada kala duwan ee dalka si weyn loo sugayo.
Waxaa uu kenyaanka ugu baaqay inay si farxad ay ku dheehan tahay ugu dabbaal degaan ciidda Christmas iyo sannadka cusub.
Saraakiisha ammaanka ayuu ku amray inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si loo badbaadiyo nafta iyo hantida dadweynaha.
Sido kale waxaa uu digniin adag u diray wadayaasha baabuurta ee aan u hoggaansamin shuruucda u degsan isticmaalka waddooyinka.
Mr. Mutyambai ayaa sheegay in hadii darawalka uu uu khalad sameeyo oo hal mar ah loo digo marka labaad laga xayuubinayo leesinka shaqo waxayna tani ka hor istaageysa inuu baabuur ku kaxeeyo gudaha dalka.
Abaanduulaha booliska ayaa dhanka kale sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay deegaanada ay inta badan saameeyaan falalka amni darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here