Barasaabkii Kirinyaga ee xilka laga qaaday oo maxkamadda aadday

Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ayaa kiis u gudbisay maxkammada kaas oo ay kaga soo hor jeedda geedi socodka xilka qaadistii shalay lagu sameeyay.
Mrs. Waiguru ayaa ku doodaysaa in wakiilada golaha hoose ee dowlad deegaankaas ay dafireen amar maxkamadeed iyagoo si aqlabiyad leh ugu codeeyay inay xafiiska banneyso.
Waxay sheegtay in maxkamadda sare ay horay si ku meel gaar ah u hor istaagtay in xubnaha golaha hoose ee Kirinyaga ay ka doodaan mooshinkii ka dhanka ahaa iyadoo la eegaya cudurka Covid-19 ee dalka ka jiro.
Codsi degdeg ah oo ay maanta u gudbisay maxkammada ayay ku codsatay in tallaabadii looga qaaday xilka lagu tilmaamo waxba kama jiraan ilaa iyo inta laga dhageysanaya go’aanna laga garaaya dacwadda ay garsoorayaasha u bandhigtay.
Qareenka Waiguru u doodaya oo lagu magacaabo Waweru Gatonye ayaa maxkamadda u sheegay inay doonayaan inay soo saarto amar lagu hor istaagaya in golaha hoose ee Kirinyaga ama maamul kale uu ka hadlo ama ku tallaba qaado xilka qaadistii ka dhanka ahayd barasaabka.
Shaley ayay ahayd markii 23 ka mid ah 33-da wakiilada hoose ee Kirinyaga ay u codeeyeen in xilka laga qaado Mrs Waiguru kaddib markii ay ku eedeyeen maamul xumo sida musuqmaasuqa iyo ku takriifal awoodeed.
Waxaa mooshinka ka aamustay 4 wakiil halka 6 kale ay ka maqnayeen kal-fadhigaas.
Dhanka kale kenyaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya qoraal ay maanta soo saartay wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo arrimaha jinsiyadda Prof. Margaret Kobia.
Kobia ayaa cambaareysay tallaabadii shalay xilka looga qaaday barasaabka ismaamulka Kirinyaga Mrs. Anne Waiguru.
Waxay sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid nasiib darro ah.
Sido kale wasiiradda ayaa hoosta ka xarriiqday in wakiillada golaha hoose ee Kirinyaga ay muujiyeen bartilmaameedsi ka dhan ah hoggaanka haweenka ee awoodda leh.
Prof.Kobia ayaa intaa ku dartay inay aad uga xumaatay xilka qaadista Waiguru ee ku soo beegantay xilli uu dalka ka jiro cudurka Covid-19 ee saameyn ku yeeshay horumarka dhaqaale iyo arrimaha bulshada.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dhankiisa sheegaya inuu guda galay baaritaano ku aaddan eedeymaha la xiriira wax isdabamarinta ee loo soo jeediyay Waiguru.
Agaasimaha EACC u qaabilsan gobolka bartamaha dalka Charles Rasungu ayaa sheegay in waxyaabaha haweeneydan lagu dhalilay ay ka mid tahay qandaraasyo dhowr oo la bixiyay oo ay faragelisay.
Guddiga ayaa sido kale baaritaano ku sameynaya 38 ka mid ah saraakiisha dowladda hoose ee Kirinyaga oo la filaya inay farriimo qoraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here