Aqalka baarlamaanka hoose Nakuru oo la xiray

Waxaa maanta laba toddobaad ah la xiray aqalka golaha deegaanka ismamaulka Nakuru ka dib markii ay soo bateen tirada kiisaska Corona Virus ee dalka.
Afhayeenka golaha aqalka baarlamaanka hoose Nakuru Joel Kairu ayaa sheegay in talaabooyiin la qaadi doono si ay caadi ugu soo laabtaan shirarka wakiilada.
Mudada labada usbuuc ah oo uu xirnaanayo aqalka baarlamaanka hoose Nakuru waxaa ay bilaabmanaysa 3 bisha November oo bari ku beegan.
Inta aan mar kale dib loo furin aqalka golaha waxaa wakiil walba laga doonaya inuu maro tijaabada COVID 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here