Aqalka sare ee dalka oo berri kal-fadhi yeelanaya

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa la filayaa in berri ay yeeshaan kulan looga arrinsanayo cudurka Covid-19 ee ilaa iyo hadda 142 kiis oo la xiriira lagu arkay gudaha wadanka.
Guddi gaar ah oo loo xil saaray inuu la yimaado soo jeedinno sharciyeed oo ku aaddan la tacaalidda cudurka ayaa kenyaanka u ballan qaaday in xal loo heli doono culeyska jira.
Waxaa guddigan hoggaaminaya senetarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Mr. Sakaja ayaa sheegay in berri ay siyaasiyiinta aqalka senate-ka hor dhigi doonaan qodobbo dhowr ah oo ku saabsan caafimaadka , dhaqaalaha , cunnada, biyaha , maaliyadda dalka , nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo iyo caddaaladda ay bulshada u baahan tahay.
Waxaa uu intaa ku daray in guddiga uu madaxa u yahay uu diiradda saaraya sidii howlwadeenada caafimaadka ee dalka ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay ula tacalaan cudurka.
Sido kale waxay eegayaan sida ismaamullada dalka loogu taageeri karo maareynta kiisaska laga soo tabiyay deegaannada qaar.
Mr. Sakaja ayaa hoosta ka xariiqay inay ku dadaalayaan sidii loo heli lahaa goobo karantiil iyo shaqaale caafimaad oo dalka ku filan si loogu guulaysto dadaallada socdo.
Senetarrada ayaa la rajeynayaa inay soo bandhigaan qorsho shacabka looga fududeyn karo culeyska dhaqaale ee uu la yimid xanuunka dunida saameeyay.
Mr. Johnson Sakaja ayaa carrabka ku dhuftay in dad badan oo kenyaan ah ay shaqo la’aan noqdeen oo ay hadda guriyaha joogaan sidaas awgeedna la doonayo in dowladda ay ka shaqeyso sidii ay ku heli lahaayeen waxyaabaha ay nolosha aadanaha ku tiirsan tahay ee daruuriga ah.
Warbixinta guddiga gaarka ah ayaa waxaa sido kale looga hadli doonaa bandowga habeenkii ee dalka ka jiro.
Bandowga oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u dhaqan galay 27-kii bishii hore wuxuuna u dhaxeeyaa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Saraakiisha ammaanka ayaa laga doonaya inay amarka dowladda fuliyaan iyagoo aan dadweynaha ku xadgudbin.
Senatarka caasimadda dalka ayaa sheegay inuu jiro qorsho ku aaddan in xaafadaha isku raranta ah laga hirgeliyo goobo badan oo ay shacabka biyo ku filan ka heli karaan si nadaafadda loo xoojiyo.
Mr. Sakaja ayaa rajo ka muujiyay in xubnaha aqalka sare iyo sido kale xildhibaannada baarlamaanka ay ansaxin doonaan qodobbadan.
Aqalka sare ee dalka ayaa 200 milyan oo shilin u qoondeeyay wax ka qabashada Coronavirus.
Mr. Sakaja ayaa warbaahinta u sheegay in dhaqaalahan laga soo saaray dib u eegis lagu sameeyay qarashaadkii ku bixi jiray safarrada senetarrada ay ku tagaan dalka dibadiisa.
Guddiga uu Sakaja guddoomiyaha u yahay waxaa ka tirsan Sylvia Kasanga ( oo guddoomiye ku xigeen ah ), Michael Mbito ( senatarka ismaamulka Trans Nzoia), Abshiro Halake ( oo si magacaabid ah ku gashay aqalka sare ), Mithika Linturi ( Senatarka Meru), Okong’o Omogeni ( Senatarka Nyamira) iyo dhigiisa Mombasa Maxamad Faki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here