Aqalka sare ee dalka oo maanta ka doodaya mooshin ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka golahaas

Aqalka senatka

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kal fadhi gaar ah kaddib markii uu isugu yeeray guddoomiyahooda Mr. Ken Lusaka .
Waxaa kulanka looga doodaya mooshin la doonayo in xilka looga xayuubiyo ku xigeenka guddoomiyaha golahaas ahna senetarka ismaamulka Tharaka Nithi Prof. Kithure Kindiki
Lusaka ayaa qoraal uu soo saaray shaaca kaga qaaday in kal fadhigga gaarka ah ee maanta uu qabsoomaya laga billaabo 2-da iyo barka duhurnimo .
Go’aankan ayaa lagu saleeyay codsi ka yimid hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare Samuel Poghisio oo dhawaan la magacaabay kaddib markii xilkan laga qaaday Kipchumba Murkomen.
Maalinkii Talaadada ayay ahayd markii mas’uulka siyaasiyiinta tirada badan ee aqalka senate-ka u qaabilsan dhanka nidaamka ahna senetarka dowlad deegaanka Murang’a ,Irungu Kangata uu mooshinka ka dhanka ah Kindiki soo bandhigay.
Prof. Kindiki ayaa lagu eedeyay inuunan ka qeyb gelin kulankii maalmo ka hor uu madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House magaaladatani Nairobi ku guddoomiyay hoggaamiyaha xisbiga Jubilee ahna madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Sido kale waxaa mooshinka loo cuskanaya in guddoomiye ku xigeenka aqalka sare uunan faahfaahin sababta uu shirkaas uga maqnaa.
Xubnaha aqalka sare ayaa shirka galinka dambe ee maanta ay yeelanayaan kaddib nasanaya ilaa 26-ka bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here