Aqalka sare ee dalka oo yeeshay guddoomiye ku xigeen

Prof.Margaret Kamar

Maalmo kaddib markii senetarka ismaamulka Tharaka Nithi Prof. Kithure Kindiki laga qaaday xilka guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ayaa waxaa jagadaas loo dhiibay Prof.Margaret Kamar oo senate-ka ku matasho shacabka ismaamulka Uasin Gishu.
Haweeneydan ayay guusha raacday kaddib markii ay tanaasushay Judith Pareno oo ka tirsan xisbiga ODM oo tartan kula jirtay.
Prof. Kindiki ayaa xafiiska banneeyay kaddib markii xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jubilee uu muujiyay inuunan ku kalsooneyn.
Senetarka ayaa lagu eedeyay inuunan daacad u ahayn xisbiga talada haya taasoo keentay in laga gudbiyo mooshin xilka looga xayuubiyay.
Prof. Kamar ayaa waxaa xilkeeda cusub u dhaariyay karaaniga aqalka sare Jeremiah Nyengenye.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare Mr. Samuel Poghisio ayaa u hambalyeeyay Kamar wuxuuna sheegay inay ka soo bixi karto xilka guddoomiye ku xigeenka ee ay la wareegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here