Aqalka sare ee Maraykanka oo xaddiday awoodda Trump uu kula dagaalami karo Iiraan

Aqalka sare ee Maraykanka ayaa ansaxiyay sharci xaddidaya awoodda madaxweynaha wadankaas Donald Trump uu u leeyahay inuu dagaal ku qaado dowladda Iiraan.
Tani ayaa ku soo aadaysa toddobaadyo un kaddib markii weerar laga gaystay gudaha Ciraaq uu Maraykanka ku dilay taliyihii ciidamada kacaanka ee xukuumadda Tehraan Qassem Suleimani.
Tallaabadaas ayaa waxaa ka dhalatay hanjabaad ka soo yeertay Iiraan oo senetarrada aqalka sare ay sheegeen inay xigtay daandaansi aan laga fiirsan oo lagu kacay.
Qaraarka loogu magacdaray awoodaha dagaalka ayaa waxaa u codeeyay 55 ka mid ah xubnaha aqalka Senate-ka waxaana ka soo horjeestay 45.
Waxay tani micnaheedu tahay in Donald Trump laga doonaya inuu soo saaro ciidamada Maraykanka ee Iiraan ay u aragto inay cadow ku yihiin hadii Kongareeska uunan dagaal labada dowladood u dhaxeeya ku dhawaaqin ama uunan ansaxin adeegsiga awood milatari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here