Aqalka sare oo amray in baaritaano lagu sameeyo galeey tayadeeda shaki la geliyay

Guddomiyaha aqalka sare Mr. Kenneth Lusaka ayaa amar ku bixiyay in baaritaano lagu sameeyo hadal haynta soo baxday ee ah in gudaha dalka lagu iibinayo galeey aan la isticmaali karin .
Guddiga aqalka senate-ka u qaabilsan arrimaha beeraha ayuu ka dalbaday inay baaritaano qoto dheer sameyaan.
Xubnaha guddigan ayaa loo fadhiyaa inay eegaan waxyaabaha la sheegay ee ku aaddan in galeeyda dadweynaha laga iibinayo aynan wanaagsaneyn maadaama ay qabto Aflatoxin oo wax yeeleysa dalagga.
Guddiga arrimaha beeraha ee aqalka sare ayaa loo qabtay ilaa iyo maalinka Arbacada ee toddobaadka soo socdo si uu u soo gudbiyo warbixin hor dhac ah oo arrinkan ku saabsan.
Amarka uu soo saaray Mr. Lusaka ayaa yimid kaddib markii senetarada kala ah Moses Wetangula iyo James Orengo ay dalbadeen in tallaabo sharciyeed laga qaado ganacsatada aan u hoggaansamin go’aan ka soo baxay waaxda xaqiijisa tayada badeecooyinka ee KEBS.
Dhawaan ayay ahayd markii waaxda KEBS ay ka dayrisay tayada badeecooyinka shirkadaha Dola Maize Meal, Kifaru Maize Meal, Starehe Maize Meal, 210 Two Ten Maize Meal iyo Jembe Maize Meal.
Wasiirka wasaaradda beeraha Mr. Mwangi Kiunjuri ayaa dhankiisa sheegay in la maxkamadeynayo shirkad kasta oo wax soo saarkeeda shaki la geliyay oo weli badeecadaasi Kenyaanka ka sii iibinaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here