Aqalka Sare oo ansixiyay xubin ka mid ah guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad ayaa lagu ansixiyay xubin ka mid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran ee Soomaaliya.
Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha aqalka saree ee barlamaanka federaalka Soomaaliiya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeen.
Ugu dambeyn dhammaan 31- ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada,Marwo Sacdiyo Shuuriye oo ka mid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here