Aqalka sare oo baaraya sida loo isticmaalay miisaaniyadda waxbarashada

Senatarada aqalka sare ayaa baaritaano ku sameynaya qaabka loo adeegsaday lacag loo qoondeeyay wasaaradda waxbarashada ee dalka.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dugsiyada dalka ay xiran yihiin laga soo billaabo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan.
Dowladda ayaa dhammaan xarumaha waxbarashada albaabada isugu dhufatay si looga hor tago faafitaanka fayraska corona.
Waxaa arrinkan aqalka sare u soo gudbiyay senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala.
Mr .Malala ayaa doonaya in guddiga arrimaha tacliinta ee aqalka senate-ka uu wasaaradda waxbarashada ka dalbado inay faahfaahin ka bixiso qaabka loo adeegsanaya miisaaniyadii lagu wareejiyay maadaama dugsiyada ay xiran yihiin.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulayaasha dugsiyada sare ay wasaaradda waxbarashada ka dalbadeen inay ku soo wareejiso dhaqaale ay dowladda u qoondeysay xilli dugsiyeedka labaad ee sannadkan.
Dhanka kale waxaa dib loo dhigay kal-fadhi lagu waday inay maanta yeesheen xubnaha aqalka sare oo ku saabsanaa qaabka dowladda dhexe iyo ismaamullada ay u qeybsanayaan miisaaniyadda qaran.
Go’aanka dib loogu dhigay kal-fadhiga ilaa iyo maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha senate-ka Ken Lusaka.
Senetarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay inaynan marnaba taageersanayn qaab lagu qeybsanaya miisaaniyadda oo horseedi karo inaan ismaamullada si siman loo horumarin.
Labo ka mid ah xubnaha aqalka sare oo ka hadlay hannaanka la isku fahmi waayay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here