Aqalka sare oo berri kal-fadhi yeelanaya

Senetarrada aqalka sare ee dalka ayaa lagu wadaa inay berri oo khamiis ah yeeshaan kal- fadhigii sagalaad ee ku saabsan nidaamka lagu muransan yahay ee ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga.
Tani ayaa timid kaddib markii galinkii dambe ee shalay dood saacado qaadatay aan wax heshiis ah laga soo saarin.
Guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa sheegay in xubnaha senate-ka ay berri dood kale yeelanayaan.
Xilliga dooddan dib loo dhigayay senetarrada ayaa ka hadlayay mooshin ay keentay Petronila Were oo aqalka sare si magacaabid ah ku gashay.
Waxay haweeneydan soo jeedisay in dib loo dhigo dhaqangelinta hannaanka dakhli qaybsiga ee uu soo saaray maamulka qoondeynta dhaqaalaha ee CRA ilaa iyo inta dowladda dhexe ay ismaamullada ugu wareejinayso 348 bilyan oo shilin oo ay si siman u qaybsanayaan.
Nidaamka hadda la isku hayo ayaa dhigaya in 47-da dowlad deegaan ay qaybsadaan 316.5 bilyan.
Siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada oo kuwo kale garab ka helaya ayaa ku doodaya in meel marinta hannaankan ay lacago ku waynayaan.
Waxay sheegayaan inuu ismaamullada u horseedi doono sinnaan la’aan dhanka horumarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here