Aqalka sare oo berri warbixin ka soo saaraya xilka qaadistii barasaabka Taita Taveta

Guddi gaar ah oo loo magacaabay inuu baaritaanno ku sameeyo xilka qaadis ka dhan ahayd barasaabka ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta Granton Samboja ayaa la filayaa inuu berri oo khamiis ah warbixin soo saaro.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo guddigu uu kal fadhi yeeshay in kastoo taas uu ka soo horjeeday Samboja oo ku doodaya in la dafiray amar maxkamadeed.
Qareenka u doodaya guddoomiyaha Taita Taveta , Nelson Havi ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ah in xubnaha aqalka sare laga hor istaago inay baaritaano ku sameyaan geedi socod si sharci ah aan loo wajahin.
Waxaa uu intaasi ku daray in Samboja aan muddo ku filan oo uu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyay aan la siin xilligii la marinayay mooshinka ka dhanka ah .
Wakiilada Taita Taveta ayaa hoggaamiyaha ismaamulkaasi ku eedeyay in waajibaadkiisa sida habboon uunan u gudan oo uunan ku kacay waxyaabo liddi ku ah hannaanka hoggaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here