Aqalka sare oo dhinac isaga dhigay soojeedin ah in la dhimo lacagaha ismaamulada

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa diiday soojeedin ah in wasaaradda maaliyadda ay yareyso dhaqaalaha loo qoondeeyo ismaamulada dalka.
Soojeedintan ayaa ah in miisaaniyadda sannadeedkan lacagaha loo qoondeeyo dowladda deegaanada kala duwan laga dhimo 4 bilyan oo shilin.
Sido kale senetarada oo kal fadhi gaar ah yeeshay ayaa ka soo horjeestay inaan mamul goboleedyada laga dhimin 2.6 bilyan oo lagu qarash geliyo qalabyada caafimaad.
Wasaaradda maaliyadda ayaa ku talisay in dhaqaalaha ismaamulada la gaarsiiyo oo ah 314 bilyan oo shilin uu noqdo 310 bilyan taasi oo laga diiday.
Senetarada ayaa doonaya in dowlad deegaanada kala duwan aanan lagu faragelin maareynta kheyraadka ay dadweynaha ugu adeegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here