Aqalka sare oo dib u dhigay dood ku saabsan dakhliga

Waxaa dib loo sii dhigay dood lagu waday inay xubnaha aqalka sare yeesheen oo ku saabsan sida ismaamullada dalka ay u qaybsanayaan dakhliga ay dowladda dhexe u qoondeyso.
Arrintan ayaa timid kaddib markii shalay senetarrada ay ku guul darreysteen inay ku heshiiyaan nidaam la soo saaray oo ah qaabkii saddexaad.
Qaar ka mid ah senetarrada ayaa si cad u sheegay inaynan marnaba taageersanayn in la ansaxiyo hannaan horseedaya in ismaamullada aynan si siman u qaybsan dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dooda arrinkan ku aaddan ay dhacdo maalinka talaadada ee toddobaadka dambe 4-ta bisha sideedaad.
Dhanka kale Hoggaamiyaha mucaaradka dalka ahna madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in Khilaafka ka dhashay sharci qaybsiga dakhliga uu sababay kala fogaansho iyo is aamin la’aan Xili loo baahan yahay in dadka ay isku duubnaadan sii loola dagaalo cudurka corona virus.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ugu baaqay Senetaarada inay aqbalaan nidaamka dakhli qaybsiga ee ay soo diyaariyeen guddiga qoondaynta dakhliga ee CRA muddada shanta sano ee soo socota.
Raila Odinga ayaa Senetarada xasuusiyay in ay markii hore iyaga meel maariyen hindise sharciyeedkii koowaad ee qaybsiga dakhliga .
Senetarada ayaa dhowr jeer ku heshiin wayay nidaamkan Cusub ee qaybsiga dakhliga.
Nidaamkan cusub ee qaybsiga dakhliga dalka ayaa dhigaya in dakhliga lagu qaybsado tirada dadka ee ismaamulada ku nool iyada oo ay ismaamulada dadkooda badan yihiin heli doonan lacagaha ugu badan.
Hoggamiyasha ka soo jeeda ismaamulada ay dadkooda yar yihiin balse ku fadhiyada dhul uu baaxadiisu weyn yahay ayaa ka soo horjeeda nidaamkan waxayn ku doodayaan in haddii hannaankan la meel maariyo ay ismaamulada lumin doonan 17 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here