Aqalka sare oo doonaya faahfaahin ku saabsan sababta shaqada looga eryay sarkaalkii KEMRI

Ku xigeenka siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare ahna barasaabka ismaamulka Kakamega ,Cleophas Malala ayaa warqad u qoray guddoomiyaha, Ken Lusaka.
Waxaa uu doonaya in sharaxaad laga bixiso sababta wasaaradda caafimaadka ay shaqada uga eriday Dr. Joel Lutomiah oo ahaa madaxii qeybta lagu baaro fayraska ee machadka KEMRI.
Malala ayaa doonaya in looga jawaabo in guddiga caafimaadka ee aqalka sare uu ka war qabo tallaabada ay dowladda qaadday.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman oo arriin maalmo ka hor wax laga weydiiyay ayaa ku jawaabay in wasaaradda ay u madax bannaan tahay go’aammada la qaadanayo hadii uu dib u dhac dhanka shaqada ah jiro.
Sarkaalkan ayaa la sheegay in shaqada laga eryay kaddib dib u dhac ku yimid gudbinta dhacaanka la baaray ee dadka looga shakisan yahay cudurka Covid-19 si natijada waqtiga habboon loogu dhawaaqo in kastoo dowladda aynan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin amarka shaqada looga istaajiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here