Aqalka sare oo galabta ka doodaya khudbaddii sannadlaha uu dhawaan hoggamiyaha dalka u jeediyay

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta yeeshaan kal-fadhi ee kaga doodayaan khudbaddii sannadlaha ahayd ee uu hoggaamiyaha wadanka Mr Uhuru Kenyatta dhawaan u jeediyay xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare.
Sida dastuurka ku xusan xildhibaanada baarlamaanka iyo aqalka sare, waxaa laga doonayaa inay ka doodaan qodobbada ku xusan khudbaddii madaxweynaha inta u dhexeysa saddex ilaa afar maalmood.
Golaha Guurtida iyo kuwa kale waxay eegi doona qodobbadi ku jiray khudbaddii 12-kii bishan uu madaxweynaha baarlamaanka ka jeediyay .
Waxyaabaha kala ay ka doodi doonaan ayaa waxaa ka mid ah warbixinta sannadlaha ah ee loo gudbiyo baarlamaanka ee ku saabsan xaaladda amniga qaranka iyo sidoo kale xafiiska dacwad soo oogida
Waxay sidoo kale senetarrada ka doodi doonaan warbixinada sanad-maaliyadeedka 2017/2018, 2018/2019 iyo 2019/2020 .
Khudbadii uu madaxweynaha jeediyay ayaa waxaa qodobbadi ku jiray ka mid ahaa warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI, dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19 iyo dib u furka goobaha waxbarashada iyadoo uu shalay wasiirka wasaaradda waxbrashada Prof. George Magoha shaaca ka qaaday taarikhda rasmiga ee dib loo furaya qaybaha dhiman ee dugsiyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here