Aqalka sare oo galabta ka doodaya nidaam ay ismaamullada ku qaybsanayaan dhaqaalaha

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa isku diyaarinaya inay galinka dambe ee maanta yeeshaan kal-fadhigii sideedaad oo aad loogu raja weyn yahay in xal kama dambeys ah laga soo saaro.
Doodda oo in muddo ah soo jiitamaysay marar badana dib loo dhigay ayaa ku saabsan qaabka dowlad deegaanada wadanka ay u qaybsanayaan dakhliga.
Hannaankan oo ah midkii saddexaad ayaa soo jeedinaya in qaybsashada dhaqaalaha ee ismaamullada lagu saleeyo tirada dadweynaha .
Arrintan ayaa waxaa si adag kaga soo horjeestay siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo ay ka mid yihiin kuwa gobolka waqooyi bari.
Waxay wacad ku mareen inaynan marnaba diyaar u ahayn oo aynan taageersaneyn in la dhaqangeliyo nidaam ismaamullada u horseedaya inaan horumar siman laga sameyn .
Waxay mas’uuliyiintan caddaalad darro ku tilmaameen in lacago laga dhimo deegano horay dhanka horumarka ku dambeeyay.
Senetarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo ka mid ah hoggaamiyaasha nidaamkan aan ku qanacsaneyn ayaa rajo ka muujiyay in maanta xal waara la gaari doono.
Toddobaadkii hore ayaa doodda arrinkan ku saabsan dib loo dhigay kaddib markii senetarrada badankooda ay taageereen codsi ka yimid senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen.
Sakaja ayaa sheegay inay jiraan isbeddelo lagu heshiiyay oo maanta si rasmi ah loo soo bandhigi doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here