Aqalka sare oo isbuuca dambe ka doodi doono hannaanka dakhli qaybsiga

Aqalka sare ayaa dib u sii dhigay dood ku saabsan nidaamka muranka dhaliyay ee la doonayo in ismaamullada wadanka ay ku qaybsadaan dakhliga soo galo.
Hannaankan oo ah midii saddexaad ayay senatarrada ka doodi doonaan maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka bishan.
Guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa sheegay in guddi gaar oo arrinkan loo xilsaaray uu fursad dheeraad ah u helaya inuu heshiis kama dambeys ah soo saaro.
Waxaa dhanka kale beeri qabsoomaya kulan u dhexeya xubnaha guddiga gaarka ah iyo hoggaanka aqalka senate-ka.
Aqalka sare ayaa Isniinta soo socoto yeelanaya kal-fadhi ku saabsan horumarka laga gaaray wada-hadallada ka hor inta aan Talaadada laga doodin.
Aqalka sare ee dalka ayaa yeeshay ugu yaraan sagaal kal-fadhi oo la doonayay in xal waara looga soo saaro qaabka dowlad deegaanada ay u qaybsanayaan dhaqaalaha.
Nidaamkan oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa in la meel mariyo waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanada xoolo dhaqatada oo ku tilmaamay mid ismaamullada u horseedaya horumar aan sinnayn.
Doodda dib loo sii dhigay ayaa ku soo aadaysa iyadoo golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee CoG uu sheegay in hadii xal degdeg ah aan la gaarin 17-ka bishan ay hakad gelayaan howlaha dowlad degaanada oo la kala diraya shaqaalaha waaxyaha kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here