Aqalka sare oo ka soo horjeestay amar ka soo baxay guddoomiyaha golaha barasaabyada

Aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ahna hoggaamiyaha Kakamega Wycliffe Oparanya uusan awood u lahayn inuu hakad geliyo howlaha dowlad deegaanada.
Tani ayaa timid kaddib markii Mr. Oparanya uu shalay amar ku bixiyay in meesha laga saaro adeegyada aan aadka muhiimka u ahayn ee loo fidiyo shacabka ku nool ismaamullada.
Guddoomiyaha CoG ayaa sido kale xusay in barasaabyada ay go’aansadeen inay shaqaalaha u diraan fasax labo toddobaad ah laga billaabo maanta.
Go’aammadan ayuu u aaneeyay in dowlad deegaanada aysan haysan dhaqaale ay ku sii shaqeyn karaan.
Senetarrada ayaa Mr. Oparanya ku eedeyay inuu Kenyaanka u horseedaya culeys dheeraad oo aan loo baahneyn.
Sido kale waxaa eedeynta qayb ka ah in isaga iyo wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani ay iska kaashanayaan in aqalka sare lagu cadaadiyo inuu ansaxiyo nidaamka saddexaad ee muranka dhaliyay ee la doonayo in ismaamullada ay dakhliga ku qaybsadaan.
Senatarrada dhaliilay go’aanka guddoomiyaha golaha CoG waxaa ka mid ah Mutula Kilonzo Junior , Moses Wetangula iyo Stewart Madzayo oo laga soo doortay Kilifi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here