Aqalka sare oo ka soo horjeestay in guddiga hilibka ee KMC la hoos geeyo militariga

Senatarada aqalka sare ee dalka ayaa diiday in lagu tallaabo qaado go’aan uu dhawaan madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu shirkadda qaabilsan arrimaha hilibka ee (KMC) ugu wareejiyay waaxda gaashaan dhigga.
Toddobaadkan gudihiisa ayuu Mr. Kenyatta arrinkan shaaca kaga qaaday amar madaxweyne .
Aqalka sare ayaa diidmada sameeyay xilli laga doodayay dacwad uu hor keenay senetarka ismaamulka Machakos Boniface Kabaka.
Waxaa senatarka tallaabadan ku taageeray dhigiisa Kitui Enoch Wambua iyo Abshiro Halake oo si magacaabid ah ku gashay golaha senate-ka.
Mas’uuliyiintan ayaa isku raacay inay khatarteeda leedahay in militariga uu la wareego shirkad dowladeed.
Abshiro ayaa su’aal gelisay sababta keentay in KMC maamulkeeda lagu wareejiyo waaxda ciidamada difaaca iyo faa’iidada ay tani laga dhaxlaya.
Senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa sido kale dowladda ku dhaliilay go’aanka ay qaadatay oo uu xusay inaan dadweynaha laga qayb gelin.
Waxaa uu aqalka sare ugu baaqay inuu u yeero wasiirka beeraha iyo xoolaha Peter Munya iyo Monica Juma oo ah wasiiradda difaaca ee dalka si ay qorshahan faahfaahin dhamaystiran uga bixiyaan.
Labadan wasiir ayuu Mr. Aaron sheegay in laga doonayo inay Kenyaanka u cadeyaan sida ay ku timid in KMC loo gacan geliyo militariga wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here