Aqalka sare oo maanta kal-fadhi gaar ah yeelanaya

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa maanta yeelanaya kal-fadhi gaar ah oo la rajeynayo in xal kama dambeys ah looga soo saaro ansaxinta nidaamka muranka dhaliyay ee ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga.
Doodda arrinkan ku saabsan ayaa in muddo ah soo jiitamaysay iyadoo senatarrada oo fadhiyo kala duwan yeeshay aynan wax heshiis ah ka gaarin.
Nidaamkan oo ah midkii saddexaad ee uu soo saaray guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA ayaa la doonaya in 47-da dowlad deegaan ee uu wadanku ka kooban yahay ay ku qaybsadaan 316.5 bilyan oo shilin.
In nidaamkan la ansaxiyo ayaa waxaa dib u dhac ku keenay kala qaybsanaanta senatarrada oo qaar ka mid ah ay qabaan inuu horseedayo in ismaamullada aan laga sameyn horumar siman.
Waxaa si weyn uga soo horjeestay siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo ay ka mid yihiin kuwo gobolka waqooyi bari oo garab ka helaya xubnaha qaar.
Mas’uuliyiintan oo ay ka mid yihiin senatarka Wajeer Dr. Cabdullahi Ibrahim, senatarka Nairobi Johnson Sakaja, senatarka Kakamega Cleophas Malala iyo dhigiisa Elgeyo Marakwet Kipchuma Murkomen ayaa sheegay inaynan marnaba taageersanayn hannaan caddaalad darro laga dheehan karo.
Dhanka kale Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG ahna barasaabka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa xubnaha aqalka sare ugu baaqay inay kal-fadhiga gaarka ah ee ay maanta yeelanayaan ka soo saaraan xal ay dani ugu jirto ismaamullada.
Xilli uu shalay warbaahinta kula hadlay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayuu sheegay in ismaamullada ay u baahan yihiin dhaqaale dheeraad ah oo ay shacabka ugu adeegaan.
Wuxuu xusay inaynan ku filnayn lacagta loo qoondeeyay ee la doonaya inay qaybsadaan ee ah 316.5 bilyan oo shilin taasoo uu doonayo in la kordhiyo.
Mr. Oparanya ayaa senatarrada ka codsaday inay tixgeliyaan mooshin ay gudbisay Petronila Were oo aqalka sare si magacaabid ah ku gashay.
Waxay haweeneydan soo jeedisay in dib loo dhigo dhaqangelinta hannaanka dakhli qaybsiga ee uu soo saaray maamulka qoondeynta dhaqaalaha ee CRA ilaa iyo inta ay dowladda dhexe ismaamullada ugu wareejinayso 348 bilyan oo shilin oo ay si siman u qaybsanayaan.
Waxaa sido kale jiro eedeymo ay isu jeedinayaan senatarrada oo la xiriira sababta aan arrinkan weli xal looga gaarin.
Senatarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare Mr. Irungu Kangata ayaa senatarrada ka soo jeedo gobolka Rift Valley ku eedeyay inay caqabad ku noqdeen dadaalka uu ugu jiro in khilaafka la xiriira qaybsashada dakhliga la soo afjaro.
Senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet horayna u ahaa hoggaamiyihii aqlabiyadda aqalka sare Kipchumba Murkomen ayaa dhankiisa dowladda ku eedeyay inay awood u adeegsanayso meel marinta nidaamkan.
Waxaa uu ku andacoonaya in senetarrada aan dowladda ku taageersaneyn nidaamka uu soo saaray maamulka qoondeynta dakhliga ee CRA lagu qasbayo inay mowqifkooda beddelaan.
Waxaa uu intaa ku daray inay jiraan senetarro laga dalbaday inay fariimo ka qoraan xarunta dambi baarista ee DCI si berri looga mashquuliyo codeynta dhacaysa.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka jawaabtay eedeynta ka soo yeertay senetarka Elgeyo Marakwet .
Senatarka dowlad deegaanka Nandi Samson Cherargei ayaa isna sheegaya in hadda ay doodda isku beddeshay siyaasad oo aynan ahayn nidaam la isku hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here