Aqalka sare oo maanta kal-fadhi yeelanaya

Senetarrada aqalka sare ee dalka ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kal- fadhigii sagalaad ee ku saabsan nidaamka lagu muransan yahay ee ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga.
Tani ayaa timid kaddib markii galinkii dambe ee Talaadada dood saacado qaadatay aan wax heshiis ah laga soo saarin.
Guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa sheegay inuu rajeynayo in senetarrada ay toddobaadkan gudihiisa soo afjaraan muranka arrinkan ka dhashay ee in muddo ah soo jiitamayay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in heshiis laga gaari doono nidaamka qaybsiga dakhliga si ismaamullada lacago ku filan loogu wareejiyo.
Barasaabyada dowlad deegaannada ayuu dhanka kale ugu baaqay inay sida habboon u adeegsadaan dhaqaalaha loo qoondeeyo maadama lagula xisaabtami doono.

Nidaamka hadda la isku hayo ayaa dhigaya in 47-da dowlad deegaan ay qaybsadaan 316.5 bilyan.
Siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada oo kuwo kale garab ka helaya ayaa ku doodaya in meel marinta hannaankan ay lacago ku waynayaan.
Waxay sheegayaan inuu ismaamullada u horseedi doono sinnaan la’aan dhanka horumarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here