Aqalka sare oo maanta u fariisanaya arrinta Waititu

Guddi gaar ah oo ka tirsan aqalka sare ee dalka ayaa maanta la filayaa inuu yeesho kulan looga arrinsanayo eedeymaha loo soo jeediyay barasaabka ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu.
Waititu oo wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay ku eedeyeen maamul xumo ayay xilka qaadis ku sameeyeen.
Hasa ahaate guddigan gaarka ah ayaa eegi doono in xilka qaadista lagu sameeyay ay mid sharci ah tahay.
Waxay baaritaano iyo wareysiyo kaddib soo saari doonaan warbixin lagu ayidaya xilka qaadista ama meesha looga saaraya.
Guddoomiyaha Kiambu ayaa dhankiisa sheegaya in lagu hayo bartilmaameedsi siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here