Aqalka sare oo markii toddobaad aan ku heshiin nidaam muran dhaliyay

Senataradda dalka oo shalay yeeshay kal-fadhigii toddobaad ayaan heshiis ka gaarin hannaan la doonayo in dowlad deegaanada wadanka ay dakhliga ku qaybsadaan.
Tani ayaa timid kaddib markii la ogolaaday codsi ka yimid senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen.
Murkomen ayaa hoggaanka aqalka sare ka codsaday inuu dib u dhigo doodda si loo yeesho wada-hadalo dheeraad ah.
Waxaa codsiga ka yimid Mr. Murkomen codkooda ku taageeray 34 senetar .
Sido kale waxaa ka soo horjeestay 26 halka senatarka ismaamulka Busia Amos Wako uu ka aamusay tani oo keentay in dooda dib loo dhigo ilaa maalinka talaadada ee 11-ka bishan .
Nidaamkan cusub ee qaybsiga dakhliga dalka ayaa dhigaya in dakhliga lagu qaybsado tirada dadka ee ismaamulada ku nool iyada oo ay ismaamulada dadkooda badan yihiin heli doonan lacagaha ugu badan.
Hoggaamiyasha ka soo jeeda ismaamulada ay dadkooda yar yihiin balse ku fadhiyada dhul uu baaxadiisu weyn yahay ayaa ka soo horjeeda nidaamkan waxayn ku doodayaan in haddii hannaankan la meel maariyo ay dowlad deegaanadooda lumin doonan 17 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here