Aqalka sare oo u codeynaya guddiga baaraya xilka qaadistii Waiguru

Aqalka sare ee dalka ayaa lagu wadaa inuu maanta u codeeyo xubnaha guddiga loo saaraya inuu eego xilka qaadis dhawaan lagu sameeyay barasaabka ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Ann Mumbi Waiguru
Xubnaha guddigan ayaa baaritaano qoto dheer ku sameynaya eedeymaha loo soo jeediyay hoggaamiyaha Kirinyaga si uu aqalka sare warbixin ugu soo gudbiyo 10 cisho gudahood.
Guddigan ayaa ka koobaan doono 11 xubnood waxaana looga fadhiyaa inuu soo jeediyo in Waiguru ay xafiiska banneyso iyo in kale.
Dastuurka dalka farqadiisa 182 -aad ayaa qeexaysa in hadii barasaabka xilka laga xayuubiyo, ku xigeenka uu jagadaas la wareegaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee Kirinyaga ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen inay xafiiska banneyso Anne Waiguru oo ay ku eedeyeen maamul xumo iyo inay ku xadgudubtay dastuurka.
Waxaa mooshinka xilka qaadista ee ka dhanka ahaa haweeneydan codkooda ku taageeray 23 ka mid ah 33-da xubnood ee golahaas.
Barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa dhankeeda eedeymaha loo soo jeediyay ku tilmaantay waxba kama jiraan lagu fulinayo dano siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here