Aqalka sare oo u yeeray barasaabka Nyamira

Aqalka sare ee dalka ayaa u yeeray guddoomiyaha ismaamulka Nyamira ,John Nyagarama oo lagu eedeeyay musuqmaasuqa.
Waxaa su’aalo laga weydiin doonaa maareynta dhaqaalaha dowlad deegaanka uu hoggaamiyo iyo nin jecleysi lagu tuhmayo.
Tallaabada uu qaaday aqalka sare ayaa timid kaddib dacwad uu gudbiyay shakhsi lagu magacaabo Reuben Kibegwa Mageuzi.
Guddiga aqalka sare ee Senate-ka u qaabilsan caddaaladda , arrimaha sharciga iyo xuquuqul aadanaha ayaa barasaabka Nyamira ku wargeliyay inuu ka soo hormuuqdo 5-ta bisha saddexaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here